waa maxey Internetka Madow(Dark Web)

Maxuu yahay Internetka Madow(Dark Web)! Sidee loo isticmaalaa!



markaan ka hadleyno internet, kaliya waxaan ka isticmaalnaa shaqadiisa 13% ama ka yar halka inta dhiman ay tahay Internet ka Modow Dark Web ama Deep Web sida loo yaqaano.


Dark Web waa Meesha lagu kala gato sirta dunida waxaanna u naqaana “Suuqa madow ee internet ka”. Waxaa ka mid ah daroogoyinka, jirka bani aadamka, sirar culus oo xukuumadaha quseeyo, hub noocuu doono ha noqdo iwm. Markasta waxaa daba jooga FBI da iyo ururadda sirdoonka ee dunidda. Website yadaas markasta waxey la kulmaan dhicid ama in la damiyo asagoo dhan. Haddaba sidee loo isticmaalaa Internet ka madow?

N.B: Masuul kama noqon doono waxaad sameyso, kaliya waa cashar aqoon ahaan aan usoo jeediyay!

Maadama uu yahay halis isticmaalkiisa waxaa laga mamnuucay in lagu isticmaalo Chrome browser, Internet Explorer, Edge, Firefox iwm oo browsers ah. Kaliya waxaa lagu isticmaali karaa Tor Browser

Maxuu yahay Tor browser maxuuse uga duwan yahay browsers ka kale?

Tor browser waa browser ka kaliya lagu isticmaali karo Internet ka madow, waxuu ku siinayaa vpn oo badan asagoo kuu kala gudbinaayo illaa 6 wadan si aanan laguu soo daba raacin. Browser ka kale waxey kaliya ku siinaayaan awooda inaad internet ka normal ka wax ka baarato halka uu Tor uu kusiinaayo awooda internet ka oo dhan.

Tor waxuu isticmaalaa routers badan si aanan loo garan isticmaalaha internet ka modow shaqsiyadiisa ama loo soo daba raacin. Isticmaalkiisuna waa muhim inaad taqaano ama haddii kale wey fududaaneysaa in lasoo ogaado gurigaaga ama sawir kaaga la shaaciyo ayaa suurta gal ah Wanted aad sidaas ku noqoto.

Waa halis in la ogaado cabirka shaashada computer kaaga ama IP address ka aad isticmasho, intaba waxey tilmaamo u noqonayaan in lasoo ogaado Meesha aad Dagan tahay! sidoo kale in lafurto camerada computer kaaga ayaa fudeed noqoneyso.


Sidee aad u isticmaali kartaa Tor browser?

Marka hore soo dagso Tor. kadib shaashada computer ka haku fidin oo maximize haka dhigin ama waxaa fududaaneyso sidaan horey usoo sheegnay in la ogaado cabirka shaashadaada iyo IP address kaaga. Waxaad ka dhigtaa Minimize oo ah cabirka uu ku furmo markasta.


kadib markaad soo dagsato aadna kiciso waxaad arki doontaa calaamada onion ka oo midibka jaale soo fuulayo kana dagayo, Micnaheeda waxaa waaye waxuu u baahan yahay cusbooneysiin update. Markaad update gareeso shaashada marnaba hoos ha dhigin Task bar ka hakuu furnaato markasto. kadib markaas ayaad gali kartaa links ka internet ka madow laga sii galo.


Comments

Popular posts from this blog

WAA MAXAY INTERNET

QAABKA LOO AASI DOONA BOQARADA INGIRIISKA ELIZABETH

Yaa ku jira qoyska boqortooyada UK, boqorkase maxay tahay shaqadiisa?