Yaa ku jira qoyska boqortooyada UK, boqorkase maxay tahay shaqadiisa?

 Yaa ku jira qoyska boqortooyada UK, boqorkase maxay tahay shaqadiisa?



Boqor Charles III ayaa xilka kala wareegay hooyadii, boqorod Elizabeth II, ka dib markii ay geeriyootay iyadoo 96 sano jir ah Khamiistii.


Mar sii horreysay sannadkan boqoradda ayaa u dabbaaldegtay 70 sano guuradii ka soo wareegatay markii ay xilka la wareegtay, markaas oo ay noqotay boqoraddii ugu muddada dheereyd.


Maxaa dhacaya hadda?


Markii ay boqoradda dhimatay waxaa markiiba xilka la wareegay dhaxal sugaha, Charles oo ah curadkeeda.


Waxaa la rajeynayaa in Charles si rasmi ah loo caleema saari doono Sabtida. Xafladda waxa ay ka dhici doontaa Qasriga St James's ee magaalada London.


Halkey ku nool yihiin qoyska boqortooyada?


Boqor Charles iyo xaaskiisa ayaa la filayaa in ay u wareegaan qasriga Buckingham Palace. Markii hore waxaa ay ku noolaayeen guriga Clarence iyo Highgrove ee Gloucestershire.


Dhaxal suge William iyo marwadiisa Catherine ayaa dhawaan kasoo wareegay qasriga Kensington ee galbeedka London si ay ugu noolaadaan qasriga weyn ee Adelaide.


Amiir George, Amiir Charlotte and Amiir Louis ayaa ayaguna wax ka baran doonaa iskoolka Lambrook ee aan ka fogeyn Ascot ee Berkshire.


Amiir William iyo xaaskiisa Meghan Markle ayaguna waxay ku nool yihiin California ee dalka Mareykanka.



Shaqooyinka boqorka waxaa ka mid ah:


·Magacaabista dowladda - Hoggaamiyaha xisbiga ku guulesyta doorashada guud ayaa inta badan looga yeeraa qasriga boqortooyada waxaana laga dalbadaa inuu soo dhiso dowlad. Boqorka ayaa sidoo kale si rasmi ah u kala dira dowladda ka hor doorashada guud.


Khudbadda boqorka

 Boqorka ayaa xariga ka jara sanadka baarlamaanka uu billaabaya howlihiisa isagoo soo bandhiga qorshaha dowadiisa, jeediyana khudbad.


·Ansixin boqortooyo - Marka uu baaralamaanka meel mariya sharci waxaa Khasab ah in boqorka uu saxiixaa si uu dhaqan gal u noqdo. Markii ugu dambeysay ee uu boqor diido inuu ansixyo sharci waxay ahayd 1708


Intaa waxaa dheer boqorka wuxuu qaabilaa madaxda dalka soo booqaneysa, wuuxna la kulmaa safiirada fadhiigodu yahay UK.


Charles waxa uu noqday madaxa Ururka dalalka Barwaaqo-sooranka, oo ah urur ay ku midaysan yihiin 56 waddan oo madaxbannaan iyo 2.4 bilyan oo qof. Boqorku waa madaxa dowladda ee 14 ka tirsan dalalkaas iyo sidoo kale UK.


Waddamadan, oo loo yaqaan 'Commonwealth realms', waa: Australia, Antigua iyo Barbuda, Bahamas, Belize, Canada, Grenada, Jamaica, Papua New Guinea, St Christopher iyo Nevis, St Lucia, St Vincent iyo Grenadines, New Zealand, Jasiiradaha Solomon iyo Tuvalu.

Boqorka sidiisaba muxuu qabtaa?


Boqorku waa madaxa dowladda UK. Awoodihiisu waa kuwa sharafeed ah, siyaasad ahaanna waa dhexdhexaad.


Warbixinno ayuu ka heli doonaa dowladda maalin kasta. Waxaa xog laga siinayaa shirarka muhiimka ah iyo waraaqaha u baahan inuu isaga saxiixo.


Sida caadiga ah raysal wasaaraha ayaa la kulmi doono boqorka maalin kasta oo Arbaco ah. Kulanka waxaa lagu qabtaa qasriga boqortooyada si boqorka loola socodsiiyo howlaha dowladda. Shirarkaasi waa kuwa gaar ah mana jiraan tix raac rasmi ah oo ku saabsan shirarkaasi.

Siduu u shaqeeya dhaxalka boqortooyada


Qaabka kala horreynta dhaxal sugayaasha ayaa lagu qeexay qofka ay tahay inuu boqortooyada la wareega marka qofka xilka haya uu geeeriyooda ama xilka isaga daga iskiis. Dhaxal sugaha ugu horreeya ee la wareegaya waa curadka boqorka ama boqoradda markaa xilka hayay.


Maadama Charles uu yahay curadka boqorad Elizebeth, wuxuu sdiaa ku noqday boqor.


Xeerarka dhaxal sugidda ee boqortooyada UK ayaa isbeddel lagu sameeyay sanaddii 2013-kii si loo hubiyo in wiilasha hadda ka dib aysan dhaxal sugidda uga xaq badnaan gabdhaha la dhashay ee ka weyn.



Intey dhan tahay taageerada boqortooyada?


Daraasad lagu sameeyay bogga YouGOV xilligii loo dabaaldegayay 70 sano guuradii kasoo wareegtay markii la boqray boqoradda ayaa muujineysa in 62% dadku ay doonayaan in Boqortooyada ay sii jirto halka 22% ay sheegeen in Boqortooyada ay noqoto mid leh madax la doorto.


Laba daraasad oo kale oo ay sameysay Ipsos Mori sanadkii 2020 ayaa natiijo isku mid ah soo bandhigay taas oo muujineysa in qof kamid ah shanti qofba uu aaminsan yahay in Boqortooyada oo la baaba'yo ay u wanaagsan tahay UK.


Hayeeshee, darsaaadda YouGov ayaa sidoo kale muujineysa in uu jiro hoos u dhac ku yimid taageerada loo hayo Boqortooyada tobankii sano ee lasoo dhaafay taas oo sanadkii 2012 ahayd 75% balse sanadka 2022 noqotay 62%.


Comments

Popular posts from this blog

WAA MAXAY INTERNET

QAABKA LOO AASI DOONA BOQARADA INGIRIISKA ELIZABETH