WAA MAXAY INTERNET

WAA MAXAY INTERNET 









Internet waa hab aduunka oo dhan u furan iney isku dhaafsadaan wararka, cilmiga, ganacsiga iwm.


Internetka waxa uu ka kooban yahay Shabakadda Kumbuyuutarrada (Computer Network). Kuwaasoo xogta (Data) isku dhaafsadda habka loo yaqaan internet protocol.


Wuxuuna ka kooban yahey malyuunaad shabakkadood (Network) sida:- kuwa jaamacaddaha, ganacsiyada, dowladaha, shirkadaha. Kuwaas oo si wadajir ah isku dhaafsada xog kala duwan oo noocwalba leh sida sawiradda, muqaalada, codadka, iyo qoraaladda.


Magaca internet wuxuu ka yimid ereyga interconnection (inter) network (net), oo loo soo gaabiyey internet.


 


ISTICMAALKA TOGAN EE ENTERNET KA


Shaki kuma jiro in internetku uu nolosheena ka dhigay mid sahlan oo ka habboon sidii ay dadkii hore u noolayeen. Waxaan u isticmaali karnaa internet ka si aan ula xidhiidhno/xiriirno dadka adduunka ku nool, ganacsi ku sameysanno annaga oo adeegsaneyna internetka, saaxiibo cusub sameysanna isla markaana aan ku barano aqoon iyo dhaqamo kala duwan, macluumaad raadinta, barashada iyo iwm. Internetku kaliya ma ogolaanayo wada xidhiidhka/xiriirka dhinaca emaylka ama social media ha ah laakiin wuxuu sidoo kale hubiyaa helitaan sahlan oo macluumaad, sawirro, iyo alaabooyin iyo waxyaabo kale.


Hoos waxaad ka daalacan kartaa qaar kamid ah Isticaalka togan ee internetka.


A) Waxbarashada khadka tooska ah (Online Education)


Sidii aan horeyba u soo sheegnay, Internetku wuxuu ka kooban yahay soo-saar aan dhammaad lahayn oo aqoon iyo macluumaad kuu oggolaanaya inaad wax ka baratid ku dhowaad mawduuc kasta heerku doonaba ha noqdee ama su'aal kasta oo aad qabtid. Adigoo adeegsanaya mashiinka baadhista/baarista sida Google, waxaad weydiin kartaa su’aal kasta adigoo helaya jawaabta su’aashaas isla markaana waxaad ka heli kartaa bog weheliya jawaabtaas.


Waxa kale oo jira malaayiin muqaalo(videos) ah oo ku jira boggaga sida YouTube oo kaa caawinaya sharaxa mowduucyo kala duwan iyo xitaa koorsooyin(tutorial) internetka ah oo loo qaadan karo inay kaa caawiyaan sidii lagu bari lahaa maadooyin badan oo kala duwan.


 


B) Dukaamaysiga (Online Shoping)


Dukaamaysiga khadka tooska ahi waa faa’iidooyin kale oo weyn oo internetka ah, iyadoo la siinayo qof kasta oo leh internetka inuu awood u yeesho inuu helo alaabada uu daneynayo kana iibsan karo isagoon booqan dukaanka. Internetku wuxuu siiyaa qof walba si sahlan in uu isku barbar dhigo qiimayaasha u dhexeeya shirkadaha iyo xitaa in uu arko waxa dadka kale ay ka qabaan wax soo saarka shirkadaas iyada oo loo marayo dib u eegista khadka tooska ah si ay uga caawiso sameynta go'aannada wax iibsiga ee ka wanaagsan.


 


 


C) Bangiyada iyo biilasha (Banking and bills)


Internetku wuxuu ku siinayaa inaad marin u hesho koontadaada bangiga si aad u aragto isu-dheellitirkaaga, aad u sameyso macaamil ganacsi, oo aad lacag u dirto. Sidoo kale, adeegyo badan ayaa kuu oggolaanaya inaad aragto oo bixiso biilasha si elektaroonig ah(Electronic) sida isticmaalista Paypal bank ama Visa card ka oo kale.


 


D) Cinwaanka iyo Khariidaynta(Address and mapping)


Ayadoo la kaashanayo tikniyoolajiyadda(Technology) GPS, Internetku wuxuu kaa caawin karaa khariiddada wuxuuna kugu toosin karaa meel kasta oo adduunka ka mid ah. Waxaad si dhakhso leh ugu tegi kartaa goobtaada ama ka heli kartaa meherado agagaarahaaga laga yaabo inay iibiyaan ama ku siiyaan adeeg aad u baahan tahay. Mashiinnada raadinta ee maanta ayaa waliba caqli badan oo garanaya goobtaada waxayna kaa caawinayaan in lagu siiyo raadinta ugu habboon ee deegaankaaga. Tusaale ahaan, haddii aad ubaahantahay meherad/maqaaxi cuno oo aad raadiso tubta meheradaas, waxaa lagu siin doonaa jahada iyo wadada meheradaha/maqaaxiyaha kugu dhow ee ku yaal deegaankaaga.


Guntii iyo gunaanadkii Isticmaalka togan ee internet ka ma ahan kuwo maqaal qudha lagu soo koobi karo lkn waxaan xusay oo kaliya kuwo aan islahaa waxay muhiim u yihiin bulshada soomaaliyeed.


Hadaba waxaan kula talin lahaa dhalinyarada iyo aqoon yahanka soomaaliyeed in ay wax badan ka ogadaan isticmaalka dhabta ah ee internet ka, tasoo aan badankeen ka fahanay kaliya qaybta social media ha oo runtii dhibaato badan nagu haysa

Comments

Popular posts from this blog

QAABKA LOO AASI DOONA BOQARADA INGIRIISKA ELIZABETH

Yaa ku jira qoyska boqortooyada UK, boqorkase maxay tahay shaqadiisa?