QAABKA LOO AASI DOONA BOQARADA INGIRIISKA ELIZABETH
QAABKA LOO AASI DOONA BOQORAD ELIZABETH
Naxashka Boqoradda
Marka naxashka Boqoradda la geeyo London, waxaa muddo afar maalmood ah uu yaalli doonaa hool ku yaalla Westminster, halkaas oo ay ku eegi karaan dadweynaha.
Hoolka ayaa ku yaalla qeybta ugu qadiimsan ee qasriga Westminster, oo muhiim u ah xukuumadda Britain. Sanadkii 2002, naxashka Boqoradda hooyadeed oo xilligaa geeriyootay ayaa la dhigay hoolka, waxaana booqday in ka badan 200,000 oo qof.
Naxashka Boqoradda ayaa la saari doonaa dhismo taag ah oo loo yaqaan catafalque, halkaas oo ay ilaalin doonaan askar ka tirsan ilaalada boqortooyada.
Naxashka ayaa marka hore laga soo qaadi doonaa qasriga Buckingham, waxaana gaadiid tartiib u socda oo ay la socdaan milateriga iyo xubno ka tirsan qoyska boqortooyada ay geyn doonaan qasriga Westminster.
Shacabka ayaa loo oggolaan doonaan inay daawadaan kolonyada sida naxashka, waxaana lagu wadaa in shaashado waaweyn lagu xiro goobaha ay dadka isugu yimaadaan.
Waa goorma aaska Boqoradda?
Aaska qaran ee Boqoradda ayaa lagu wadaa inuu qabsoomo wax ka yar laba todobaad gudahood, waxaana uu ka dhici doonaa kaniisadda Westminster. Maalinta uu dhacayo aaska waxaa xaqiijin doona qasriga Buckingham. Kaniisadda uu aaska ka dhici doono ayaa ah halka lagu caleema saaro boqorada Britain, waana goobta ay taajka ku xiratay Boqorad Elizabeth II sanadkii 1953, ka horna ay ku guursatay Amiir Philip sanadkii 1947.Markii ugu dambeysay ee boqor aas qaran loogu sameeyo kaniisadda ayaa ahayd qarnigii 18-aad.Madax ka socota dalalka caalamka iyo siyaasiyiinta UK ayaa ka qeybgali doona aaska. Marka uu dhammaado aaska qaran, waxaa naxashka Boqoradda lagu aasi doonaa xabaalaha King George VI memorial ee ku dhex yaalla kaniisadda St George's Chapel.
Comments
Post a Comment