Yaa ku jira qoyska boqortooyada UK, boqorkase maxay tahay shaqadiisa?
Yaa ku jira qoyska boqortooyada UK, boqorkase maxay tahay shaqadiisa? Boqor Charles III ayaa xilka kala wareegay hooyadii, boqorod Elizabeth II, ka dib markii ay geeriyootay iyadoo 96 sano jir ah Khamiistii. Mar sii horreysay sannadkan boqoradda ayaa u dabbaaldegtay 70 sano guuradii ka soo wareegatay markii ay xilka la wareegtay, markaas oo ay noqotay boqoraddii ugu muddada dheereyd. Maxaa dhacaya hadda? Markii ay boqoradda dhimatay waxaa markiiba xilka la wareegay dhaxal sugaha, Charles oo ah curadkeeda. Waxaa la rajeynayaa in Charles si rasmi ah loo caleema saari doono Sabtida. Xafladda waxa ay ka dhici doontaa Qasriga St James's ee magaalada London. Halkey ku nool yihiin qoyska boqortooyada? Boqor Charles iyo xaaskiisa ayaa la filayaa in ay u wareegaan qasriga Buckingham Palace. Markii hore waxaa ay ku noolaayeen guriga Clarence iyo Highgrove ee Gloucestershire. Dhaxal suge William iyo marwadiisa Catherine ayaa dhawaan kasoo wareegay qasriga Kensington ee galbeedka London si a